WARARKII UGU DAMBEEYEY: Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ay maleeshiyaad Galmudug ah ku qaadeen deegaanka Bali-Busle ee Puntland

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

GAALKACYO(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay ay maleeshiyaad ka soo jeeda Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku qaadeen deegaanka Bali-Busle ee barriga magaaladaas, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashada labo qof oo ahaa shacabka magaalada.

Sidaas oo kale dhaawaca 2 qof oo kale oo mid kamid ah sahlan yahay ayaa la xaqiijiyey in uu geystay weerarkan oo ahaa mid abaabulan, isla markaasna ay dableyda gudaha soo galeen.

Saraakiisha Laamaha Amniga ee Bariga gobalka Mudug ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo dhacdadan la xariirta, waxaana wararku sheegayaan in doraad uu dhacay falkan mid u dhaw, balse la rumeysan karro in uu xariir la yeelan karro.

Warar kale ayaa sheegaya in ay dableydan weerar ku qaadan Saldhig ay leeyihiin ciidamada Difaaca Puntland oo ku dhaw goobta la weeraray, waxaana wararku sheegayaan in ay dableydu ka cabsadaan xeraddan ciidan oo ay galeen gudaha magaalada.

Waqtiga uu dhacay weerarkan ayaa ahaa saqdii dhexe ee xalay, xiligaas oo ay adkeyd in la maro wadooyinka isku xira bariga gobalka Mudug & magaalada Gaalkacyo, cabsi laga qabi karro weeraro kale oo ka dhasha safarkaas.

Maamulada Puntland & Galmudug wali kama aysan hadlin dhacdooyinkan cusub, oo ku soo beegmay xili ay labada dhinacba si wanaagsan u helaan Raxmadii Eebe oo ay waajib tahay in laga faa’iideysto oo aan lagu bedelin dhiig Shacabka Soomaaliyeed oo laysku daadiyo.

2 Responses to WARARKII UGU DAMBEEYEY: Faahfaahin ka soo baxaysa weerar ay maleeshiyaad Galmudug ah ku qaadeen deegaanka Bali-Busle ee Puntland

  1. ASC.
    Meesha arinta ku jirta baa ah in aysan reer Puntland jeclayn in ay laayaan shacab ka mida kuwa galmudug oo an cidna dhib u geeysan.Mooryaanta galmudugna taas bay ka faa’iidaystaan.Wayse tagaysaa in la laayo masaakin an dambiyo loo hayn.Waayo ayaguba masaakiin kalay laayaan.Reer Gal-NUS Mudug waxay caan ku yahiin in aysan is qaban oo aysan is maqal.Reer Puntlaana hadda waxay taagan yahiin in ay furka xooraan oo sidooda oo kale ay laayaan dad shacab ah.Reer puntlaan waxay Mooryaanta iska abhinayaan mudo ku dhow 27 sano.Mase maqlayaan.Waayo hadal iyo wanaag wax Kuma maqlaan xabad iyo xumaan ma ahee.

    Atoore
    May 19, 2017 at 2:44 pm
    Reply

  2. wa kudkii oo kabo lo tolay,ayagoo markii hore aha dad cadow iska ah aya hader waxa madax loga dhigay,Axmed geele caaf,oo ah nin Burcadnimo ku sifobay,waqtigi uu mesha jogay Adikariin dhagajuun oo la oran karo nin aan ehel u’ahan galmudug balse uu kushaqeysanayay,Xassan Gurgurte shidadu wa jirtay in kastuu uu shidas wadnaha farisisay Mr.Abdikariin Xuseen Guled,waxan rajeynaya mr.oo nin xun ah oo Gal nus mudug xuman uqorten waxa uu puntland udhimi karo,inkasto dadka puntland yihin dad dabacsan hadana waligod cadow kama fa’edo.

    mohamed sulub
    May 20, 2017 at 6:25 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *