XOG CUSUB: Miyey diideen baarlamaanka PL in la kordhiyo tiradda Golaha Wakiilada & Xogo cusub

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

GAROOWE(P-TIMES)- Si adag ayey wali u socotaa Dabeysha ka dhalatay codsigii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Ali Gaas u diray guddoonka baarlamaanka ee ahaaa in la kordhiyo tiradda Xildhibaanada golaha Wakiilada ee Puntland oo la furo si loo helo wax Cadaalad u e`eg, taas oo la kulantay soo dhaweyn iyo mucaaradid labadaba.

Guddoonka baarlamanka Puntland ayaa Ajendahaha kalfadhiga nagu soo beegan aan ku darin qorshahan, taas oo loo arkay in ay uga saareen in loo baaahday latashiyo dheeraad ah.

Xildhibaano kamid ah golaha Wakiilada ayaa diidan in la kordhiyo baarlamaanka, taas oo ay saldhig uga dhigeen diidmadooda in loo baahan yahay in cadaaladda laga raadiyo gobalada dhexdooda iyo In xukuumaddu adeegyada gaarsiiso gobalada Puntland oo dhan.

Sidaas oo kale Xildhibaano kale ayaa wada fikrad,kaas ka durugsan oo ah in arrintan laga doodo cod lagaliyo, lana meelmariyo haddii ay Xildhibaanadu u codeeyaan, taas oo dhankeeda ah arrin kale oo xasaasi ah.

Xildhibaano 3aad ayaa qaba in arrintan aan waxba dood ah lagalin ee qodobada Dastuurka dib loogu laabto, meelmarna laga dhigo qorshahan si loo helo matalaad dhameystiran oo kusaabsan beelaha aan waxba helin.

Ilaa hadda beelo badan ayaa hadlay oo soo dhaweeyey talaabada Madaxweyne Gaas, waxayna sheegeen in ay u baahan yihiin in ay helaan Xaquuqdooda deegaan, haddii aysan taasi dhicin ay tahay arrin khatarteeda leh.

Doodahan ayaa ah kuwa iska hor imaanaya, waxaana aan la aqoon waqtiga rasmiga ah ee ay iskugu biyo-shuban doonaan in lagu kala baxo Aqalka Golaha Wakiilada oo kulankoodu furmi doono bisha June ee fooda nagu soo haysa.

Siyaasiinta xil-doonka ah ee damacu kaga jirro doorashada 2019-ka ayaa u arka arrintan mid caqabad ku ah qorshahooda doorashada, iyagoo rumeysan in haddii la kordhiyo baarlamaanka, tirro kasta oo lagu kordhiyo ay noqon doonto Xildhibaano ay keensato Madaxtooyada Puntland oo saameyn kuyeelan karta doorashada nagu soo beegan.

ISHA KU HAAY WARARKEENA RIIX HALKAAAN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *