XOG MUHIIM AH: Maxaa dhexmaray M/weyne Farmaajo & Madasha HORU-SOCOD, Kulan dhexmaray xalay?

Filed under: Falaanqeyn,Wararka Dalka,Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay Mudanayaal kamid ah baarlamaanka Faderaalka, gaar ahaaa madasha Horusocod oo dhawaan soo gaartay magaaladaas, oo ay kaga dhawaaqeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankan si gaar ah ula qaatay Xildhibaanadan golaha Shacabka oo ay kala hadleen arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo qaabka isla xisaabtamka.

Si adag ayay Xildhibaanadan uga hadleen arrimaha Siyaasadda iyo sidii isla xisaabtam dhameystiran oo sharciyeysan ula yeelan lahaayeen Xukuumada Soomaaliya.

Mudanayaashan ayaa balan qaaday in aysan hadda qorshaha dhaw ugu jirin in la keeno Mooshino lagu horjoogsanayo Masiirka Ummadda Soomaaliyeed, balse ay doonayaan in laga gudbo nidaamka qabaliga ah ee 4.5, loona guuro nidaamka Asxaabta Siyaasadeed oo ah mid ay horey ugu heshiiyeen Madaxda Soomaalida.

Xildhibaanadan waxay kaloo cadeeyeen in aysan dooneyn in siyaasadda iyo xilalka ugu sareeya ee dalka lagu qeybsado Nidaamka Qabyaaladeed ee 4.5, balse ay doonayaan in tartan furan oo nin kasta iyo naftiisa ah loo galo.

In la wada shaqeeyo lana xisaabtamo waa mid kamid ah waajibaadka golayaasha Shacabka & Xukuumada Soomaaliy, waxay sheegeen in ay saxayaan wax kasta oo ay khaladdo Xukuumada Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Mudanayaashan in habka isla xisaabtamka furan uu diyaar u yahay iyo in gardaadiyo dawladnimada curdanka ah ee dalka, ayna taasi tahay waxyaabaha ay dawladdiisu ka shaqeyn doonto.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *