XOG MUHIIM: Maxaa ku qornaa Dhambaal ay DF Soomaaliya u dirtay Kenya, oo ku saabsanaa Xildhibaanadii Nairobi ku shiray?

Filed under: Wararka Dalka,Wararka Maanta |

NAIROBI(P-TIMES)- Warbaahinta waa weyn ee gudaha Kenya ayaa saacadaha soo socda shaacin doono xogo ku aadan in Madaxtooyada Soomaaliya ay Dhambaal u soo dirtay madaxtooyada Nairobi, taas oo ku saleysan cilaaqaadka Siyaasadeed ee labada dal.

Xogta ay heshay Warbaahinta qaarkood ayaa lagu cadeynayaa in labo kamid ah Saaxiibada Sar-sare ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tageen Kenya todobaadkan bartamihiisii, oo ay la kulmeen Saraakiil sare.

Ujeedadu waxay ahayd Dacwad ay Madaxtooyada Soomaaliya ka gudbisay Xildhibaano kamid ah labada Gole ee dawladdaas oo hadda jooga magaalada Nairobi, kuna dhawaaqay madal ay ku mideysan yihiin.

Soomaaliya waxay codsatay in Kenya ay ka saarto dalkeeda Xildhibaanadaas oo ay diido kulamada siyaasadeed ee looga soo horjeeda dawladda Faderaalka Soomaaliya, taas oo kale waxay soo jeediyeen Xukuumada Muqdisho in ay waajib tahay in laga wada shaqeeyo daganaanshaha Siyaasadda.

In aan laga hor imaan Xukuumadda curdanka ah, sidaas oo kalena laga shaqeeyo in siyaasadda labada dal ay noqoto mid xxagga dhismaha laga wada shaqeeyo ayaa ka mid ah arrimaha ay gudbisay Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *